Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Golaha miisaaniyadda oo saaray guddi ka soo tala bixiya dakhliga loo qoondeeyay...

Golaha miisaaniyadda oo saaray guddi ka soo tala bixiya dakhliga loo qoondeeyay ismaamullada wadanka

Golaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee ismaamullada iyo dowladda dhexe ee (IBEC) ayaa sameeyay guddi ka soo tala bixiya dakhliga loo qoondeeyay ismaamullada wadanka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gacahagua oo guddiga IBEC guddoomiye u ah ayaa sheegay in guddigan la sameeyay uu muddo toddobaad gudihiisa ah kaga soo tala bixin doono arrinkan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dalka ee (CoG) ay ka soo horjeesteen qoondada dakhliga ismaamullada ee sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka ee uu guddiga jaangoynta dakhliga ee CRA uu soo saaray bishii hore, taasoo dhan 407 bilyan oo shilin.
Barasaabyada dowlad deegaannada wadanka ayaa dalbanayaan in miisaaniyadda ay dowladda dhexe u qoondeyso laga dhigo 425 bilyan oo shilin tani oo u dhiganta koror ah boqolkiiba 15.
Hasa ahaate, wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa soo jeedisay in sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka laga dhigo 370 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in si buuxda loo hirgeliyo awood qaybsiga dhaqaale sida ku cad dastuurka wadanka lagu maamulo oo la ansixiyay sanadkii 2010-kii.
Waxaa uu intaasi ku daray in kheyraadka wadanka si tartiib tartiib ah loo kordhin doono marka uu dhaqaalaha dalka soo hagaago.
Mr. Gachagua ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu horraanta bisha soo socota la kulmi doono guddoomiyaasha ismaamullada, si uu meesha uga saaro arrimaha taagan, islamarkaama kor loo qaado xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad deegaannada wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments