Marwada koowaad ee dalka oo ku dhawaaqday mashruuc taageerayo haweenka iyo dhallinyarada

0
297

Dhallinyarada iyo haweenka dalka ayaa dhawaan heli doona deeq lacag ah oo gareyso 1.7 bilyan oo shilin.
Deeqdan ayaa lagu maalgelin doona ganacsiyada yar yar ee haweenka iyo dhallinyarada sida kuwa dhirta iyo digaagga ka ganacsada.
Marwada koobaad ee dalka Rachel Ruto ayaa billowday mashruucani oo ay ku magacowday Leveraging Equality for Gender Inclusive Economic Development (LEGEND), yoolka laga leeyahay ayaana lagu sheegay in lagu horumariyo noolasha bulshada sidoo kalena kor loogu qaado siinnaanta jinsiga iyo jiritaanka deegaanka.
Barnaamijkan oo socon doona muddo lix sano ah ayaa waxaa fulin doonta hay’adda iskaashatada horumarinta dhaqaalaha ee loo soo gaabiyo (MEDA).
Waxaa la sheegay in barnaamijkan laga fulinayo 9 ismaamul oo ku yaalla gobollada Xeebta iyo Nyanza, sida Kwale, Kilifi, Mombasa, Taita-Taveta, Kisumu, Busia, Siaya, Homa bay iyo Migori.
Marwada madaxweynaha dalka oo hadal ka jeedisay intii lagu guda jiray daahfurka rasmiga ah ee mashruuca LEGEND ayaa waxay bogaadisay hay’adda MEDA oo ay sheegtay in muddo dheer ay ku howlanayd horumarinta dhaqaalaha dalka iyo ka qayb qaadashada hiigsiga horumarinta Kenya ee sanadka 2030-ka.