Xubin ka tirsan UDA oo sheegay in noolashiisa ay halis ku jirto

0
404

Wakiilka xisbiga UDA u qaabilsan dhanka nidaamka ee siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Mark Mugambi ayaa sheegay in naftiisa ay halis ku jirto ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen kooxo burcad ah, xilli uu sii galayay xafiiskiisa oo ku yaalla bartamaha magaala madaxda dalka.
Siyaasigaan ka tirsan xisbiga UDA oo ay jirkiisa ay ka muuqdeen nabaarro ayaa mar uu warbaahinta la hadlay sheegay in weerarka uu la kulmay la qorsheeyay maaalinkii Arbacada ee toddobaadkan, uuna ka war helay balse uunan filan inuu dhici doono.
Mugambi ayaa sidoo kale weerarkan la xiriiriyay isqabqabsiga ka dhex taagan golaha hoose ee Nairobi, halkaas oo ay ka soo baxeen garabyo siyaasad ahaan kala aragti duwan.
Waxaa uu sheegay in kiiska uu la wadagay saldhigga dhexe ee booliiska Nairobi, uuna ka soo qaatay warqadda diiwaangelinta dhacdooyinka ee O.B.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu sheegay in aan la cabsi gelin doonin islamarkaana uu sii wadi doono howshiisa.
Maalinkii Talaadada, xisbiga UDA xubno ka tirsan oo uu ku mid yahay Mugambi iyo hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan ee wakiillada golaha hoose ee caasimadda, ayaa barasaabka Nairobi Johnson Sakaja ku eedeyay in uu fududeeyay isku soo bixii isbeheysiga Azimio ee ka dhacay Kamukunji maalinkii Isniinta ee toddobaadkan.