Madaxweynaha dalka oo safaaradda Kenya ka furay Senegal

0
290

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa safaaradii ugu horreysay ee ay Kenya ku yeelato gobolka galbeedka Afrika waxaa uu ka furay magaalada Dakar ee caasimadda wadanka Senegal.
Madaxweynaha oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa maalgashatada u sheegay in dowladda dhexe ay ku taageeri doonto inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee guud ahaan qaaradda Afrika.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya ay kaashanayso dowladaha kale ee Afrika si xiriirka u dhexeya uu u noqdo mid laga wada faa’iido.
Waxaa uu sheegay in safaaradda uu ka hirgeliyay Dakar loogu adeegi doono kenyaanka ku nool galbeedka qaaradda Afrika.
Waxaa madaxweynaha munaasabadaasi ku wehelinayay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Singoei Arap Korir iyo safiirka Kenya ee Senegal Purity Muhindi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here