MCK oo berri kulan la yeelaneysa saamileyda saxaafadda

0
248

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa lagu wadaa inay berri la kulmaan wakiillo ka socda waaxyaha warbaahinta wadanka, si loo dejiyo qaab lagu kobcinayo xirfadda saxafiyiinta.
Madaxa fulinta ee golaha MCK David Omwoyo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay soo baateen dadka iska dhigaya wariyeyaal, kuwaas oo uu tilmaamay inay haystaan aqoonsiyo been abuur.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyadkaan ay dadweynaha lacago baad ah uga qaadaan aqoonsigooda beenta ah, iyagoo iska dhigaya inay adeeg u fulinayaan.
Mr.Omwoyo ayaa xusay in la soo gaarsiiyay warbixinno la xiriira in ay sii kordhayaan dadka wax isdabamarinaya ee iska dhigaya saxafiyiin iyo kuwa ka shaqeeya warbaahinta kuwaas oo galaangal u leh dhacdooyinka iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay dadka dhacaan oo ay dhibaateeyaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in kulanka ay berri la yeelanayaan saamileyda saaxafadda looga tashan doono arrintan, laguna heshiiyo tallaabooyin wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo xirfadda saxaafadda.
Madaxa fulinta ee golaha MCK David Omwoyo ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga ahaan ay ka go’an tahay kobcinta jawi ku habboon xirfadlayaasha warbaahinta iyo suxufiyiinta si wax looga qabto arrimaha saameeya saaxafadda.
MCK ayaa sheegtay in guddigooda uu ku shaqeeyo xeerka golahan ee la ansaxiyay sanadkii 2013-kii , kaas oo ogolaanaya kor u qaadida iyo hagaajinta anshaxa iyo heerarka xirfadeed ee saxafiyiinta iyo ururrada warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here