7 qof oo uu ku jiro ilmo dhalan hal bil oo ku dhimatay shil ka dhacay Nakuru

0
416

Ugu yaraan 7 qof oo uu ku jiro ilmo dhalan hal bil ayaa dhintay halka dhowr kalena ay dhaawacmeen, ka dib shil saaka ka dhacay aagga xarunta ganacsiga ee Kikopey ee waddada isku xirta magaalada Nakuru iyo deegaanka Gilgil.
Waxaa uu shilku u dhexeyay labo baabuur oo ah nooca dadweynaha ee mataatuuda iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka oo ku sii jeeday caasimadda dalka ee Nairobi.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka, shilka ayaa dhacay abaare 5-tii aroornimo ee maanta.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nakuru Peter Mwanzo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay shilka iyo khasaare ka dhashay.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka ee NPS ayaa u tacsiyeysay qoysaska dhibanayaasha.
Waxaa ay dhanka kale ka codsatay gaadiidleyda inay u hoggaansamaan anshaxa waddooyinka.