Maxkamadda oo xukuntay 6 eedaysane oo loo haysto dilka xildhibaankii hore ee deegaanka Juja

0
296

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa go’aamisay in lix eedeysane loo haysto dilkii 2014-kii loo gaystay xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Juja ee ismaamulka Kiambu George Thuo.
Eedeysanayaasha loo haysto kiiskan ayaa laga doonaya inay ka jawaabaan dacwadda ay wajahayaan.
Garsoore Roseline Langat-Korir ayaa sheegtay in xeer ilaalintu ay caddeysay dacwadda ka dhanka ah eedaysanayaasha iyada oo aan shaki ku jirin.
Dacwad oogayaasha kiiskan ayaa soo bandhigay 30 marqaati ah intii uu socday dhageysiga kiiskan.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Paul Wainaina Boiyo, Christopher Lumbazio Andika, Andrew Karanja Wainaina, Samuel Kuria Ngugi, Esther Ndinda Mulinge iyo Ruth Wathai Irungu.
Waxaa lagu eedeyay in dika xildhibaanka ay gaysteen xilli habeen oo ay taarikhdu ahayd 17-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2013-ii, iyagoo ku sugnaa makhaayadda Porkies Garden ee magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu.
Shakhsiyaadkan ayaa 14-kii bishii Koowaad ee sanadkii 2014-kii maxkamad ka soo hormuuqdeen, waxayna dafireen eedeymaha loo soo jeediyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here