Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 4 qof oo lagu helay dambi ah dilka safiirkii Venezuela u fadhiyay...

4 qof oo lagu helay dambi ah dilka safiirkii Venezuela u fadhiyay Kenya

Xoghayihii hore ee safaaradda Venezuela ee dalkani Kenya Dwight Sagaray iyo saddex qof oo kale ayaa lagu helay dambi ah dilka safiirkii dowladda Venezuela ku matalayay Kenya Olga Fonsesca, kaas oo laga takhalusay sanadkii 2012-kii.
Garsoorahaa maxkamadda Roselyn Korir ayaa siidaysay eedeysanaha shanaad oo lagu magacabaa Kipng’eno Chelogoi, maadaama xeer ilaalinta aysan caddeyn in uu ku lug lahaa dilkaasi.
Xoghayihii hore ee safaaradda Venezuela Dwight Sagaray, Axmad Mutivane Omindo, Alex Sifuna Wanyonyi iyo Moses Kiprotich Kalya ayaa lagu helay dambi ah inay qorsheeyeen oo ay fuliyeen dilka safiirkii hore ee Venezuela u fadhiyay Kenya.
Eedeysanayaasha oo haatan xabsiga ku jira ayaa la maxkamadeen doona 16-ka bisha soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments