DHAGEYSO:Raila oo madaxweyne Ruto ku eedeyay inuu qorsheynayo in uu soo dhiso guddi IEBC oo isaga u xaglinayaan

0
328

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ka codsaday taageerayaashiisa in ay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay isku day uu madaxweynaha dalka William Ruto uu ku doonayo inuu soo dhiso guddi doorasho ee u xaglinaya isaga ee doorashada guud ee sanadka 2027-ka
Waxaa uu ka soo horjeestay hindise sharciyeedka wax ka beddelka ee guddiga doorashooyinka ee 2022-ka ee uu dhawaan qalinka ku duugay madaxweynaha dalka.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay inaysan jirin sabab ay wadanka doorasho guud uga dhacdo sanadka 2027-ka ka hor inta aan wax laga qaban khaladaad ay siyaasiyiinta mucaaradka aaminsan yihiin inay dhaceen sanadkii hore.

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Raila Odinga ayaa markale ku adkaystay in uunan aqoonsaneyn sharcininamada madaxweyninimo ee William Ruto.
Waxaa uu Raila ka codsaday taageerayaashiisa in ay iska indhatiraan qorsha hoggaamineed ee maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka codsaday inay Axadda soo socoto ee 29-ka bishan ay isugu soo baxaan fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.