4 burcad oo lagu dilay xaafado kala duwan oo ka tirsan Nairobi

0
334

Ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dilay 4 qof oo burcad ah oo mid ka mid ah dhac joogta ah ka gaysan jiray xaafaadda Dandora ee magaalada Nairobi.
Booliiska ayaa sheegay in burcadka lagu dilay xaafadda Dandora uu xilli walbo oo uu dhaca gaysanaya wajiga ku xiran jiray maaskaro si aan loo aqoonsan.
Ciidamo saaka roondo ku jiray ayaa helay xog ku saabsan burcad dhac u gaysatay dad aroornimadii hore ee maanta lugaynayay, iyagoo laga dhacay agabyo kala duwan.
Booliiska ayaa sheegay inay soo heleen 3 bistoolad ah oo la rumeysan yahay in tuugada dhac ku gaysan jirtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadka lagu dilay xaafadda Dandora ay la socdeen saddex eedeysane kale oo haatan baxsad ah.
Booliiska ayaa ku doodaya in hubka ay soo heeleen loo adeegsaday fal-dembiyeedyo caasimadda dhexdeeda laga gaystay, islamarkaana baaritaannada la sameyn doono lagu ogaan doono xog badan.
Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa toogasho kale oo ka dhacday xaafadda Shauri Moyo ee deegaanka Kamukunji ismaamulka Nairobi ku dilay laba tuhmane oo ku howlana falal burcadnimo.
Booliiska ayaa sheegay in labadan qof ay qayb ka ahaayeen koox burcad ah oo 5-tii aroornimo ee saaka dad waddada marayay ay weerar iyo dhac u gaysteen
Eedeysanaha afaraad ayaa lagu dilay deegaanka Kasarani ee magaalada Nairobi.
Meydadka burcadda la dilay ayaa la geeyay goobaha meydadka la dhigo ee caasimadda wadanka, iyadoo haatan baaritaano socdaan.
Booliis badan ayaa la dhigay waddooyinka magaala madaxda wadanka, si ay u xakameeyaan falal dambiyeedyada la xiriira dhaca.