Madaxweynihii hore ee dalka oo baaq ka soo saaray colaadda ka soo cusboonaatay waqooyiga DRC

0
151

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa markale ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan gobolka North Kivu ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaallada laba dhinac.
Dagaalka ayaa u dhexeya dowladda wadanka DRC iyo fallaagada M23.
Waxaa uu dagaalka labada dhinac markale billowday bil un ka dib markii shir Nairobi ka qabsoomay looga dhawaaqay xabad joojin.
Wararka ayaa sheegaya in labadii cisho ee la soo dhaafay gobolkaasi laga fuliyay dilal qorsheysan oo loo gaystay dad rayid ah, iyadoo kumanaan shacab ee guryahooda ka barakaceen.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay dowladda DRC iyo beesha caalamka in ay xoojiyaan taageerada ay siinayaan dadka barakacayaasha.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheeegaya in ciidamada dowladda DRC ay ugu yaraan 23 qof ku dileen bariga dalka Congo.
Uhuru Kenyatta ayaa bishii 11-aad ee sanadkii hore tagay DRC, isagoo ah dhexdhexaadiye matalaya toddobbada xubnood ee ku mideysan jaaliyadda bariga Afrika ee EAC sidoo kalena ah ergeyga arrimaha nabadda ee Midowga Afrika.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya ay qaar ka mid ah ciidamadeeda militari ay gaysay DRC isla bishaasi si ay qayb uga noqdaan sugidda amniga ee wadankaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here