Qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi kana tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa waxay barasaabka caasimadda wadanka Johnson Sakaja ku eedeyeen inuu kaalin ku lahaa isku soo bixii siyaasadeed ee uu isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja ku qabtay 23-kii bishan fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi.
Hoggaamiyaha xubnaha laga tirada badan yahay ee golaha wakiillada hoose ee dowlad deegaanka Nairobi Anthony Kiragu ayaa ku eedeyay guddoomiyaha caasimadda inuu fududeeyay isku soo baxa mucaaradka.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale dhaqaalihii isku soo baxaasi ku baxay uu bixiyay barasaabka caasimadda Johnson Sakaja.
Kiragu oo ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza islamarkaana uu xubin ka yahay Sakaja ayaa xusay in arrintan lagala xisaabtami doono barasaabka.
Waxaa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aan wanaagsaneyn, maadaama sida uu hadalka u dhigay uu hakad geliyay ganacsigii magaalada, sidoo kalena uu keenay buuq aan loo baahneyn.
Hoggaamiyaha xubnaha laga tirada badan yahay ee golaha wakiillada hoose ee dowlad deegaanka Nairobi ayaa tilmaamay in Johnson Sakaja laga doonaya inuu caddeeyo mowqifkiisa, madaama uu garab siinaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Khilaafka soo kala dhexgalay Sakaja iyo xubnaha wakiillada golaha hoose ee magaala madaxda wadanka ee ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa billowday ka dib markii uu shakhsiyaad xulafo la ah Azimio la Umoja-One uu u magacaabay jagooyinka muhiimka ah ee dowladda ismaamulka Nairobi.