DHAGEYSO:Wakiilka haweenka Wajeer oo ka hadashay koronto la’aanta ka jirta ismaamulkaasi

0
350

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Faadumo Jeexoow ayaa ka hadashay kulan ay la yeelatay xoghayaha joogtada ee wasaaradda tamarta dalka Alex Wachira.
Waxaa ay kala hadashay koronta la’aanta saameysay ismaamulka Wajeer.
Faadumo Jeexoow ayaa carrabka ku dhufatay in xoghayaha joogtada ee wasaaradda tamarta dalka uu u ballanqaaday in labo toddobaad ka dib dadka reer Wajeer ay heli doonaan matoor cusub.
Waxaa ay khadka taleefoonka ugu warrantay wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye