Guddiga uu hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule ee uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo afar ka mid ah saraakiisha guddiga doorashooyinka ee IEBC oo la eedeyay ayaa kal-fadhiyadiisa dib u billaabi doono 9-ka bisha labaad ee sanadkan.
Xubnaha guddigan ayaa shalay soo gabagabeeyay dhageysiga warbixinnada marqaatiyaasha.
Tani ayaa timid ka dib markii qareenka matalaya Irene Masit oo ka mid ah howlwadeennada eedeysan Donald Kipkorir uu guddiga u sheegay in haweeneydan aynan doonin inay soo bandhigto cid marqaati ah.
Guddiga ayaa laga soo billaabo Isniintii shalay wareysanayay saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ee kala ah Prof. Cabdi Yacquub Guuliye iyo Boya Molu.
Waxaa sidoo kale shalay la wareystay guddoomiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee IEBC Wafula Chebukati iyadoo saddexda mas’uul ay isku raaceen in bishii Siddeedaad ee sanadkii hore la isku dayay faragelinta natiijadii madaxtinnimo.