Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska , ehellada , asxaabta iyo dhammaan kenyaanka ka dib geeridii dhawaan ku timid wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa Magoha ku tilmaamay qof wanaagsanaa oo si wayn uga dhex muuqday arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu xusay inuu guul ka gaaray dhanka tacliinta , waxbaridda , cilmi baarista iyo maamulka.
William Ruto ayaa sheegay in George Magoha uu isbeddello wax ku ool ah ka sameeyay jaamacadda Nairobi iyo golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Sidoo kale waxaa uu ku amaanay in mudadii uu ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada uu muujiyay sida ay uga go’anayd ilaalinta hal-beegyada sare ee adeegga dadweynaha iyo sumcad shakhsiyeed oo aan tanaasul lahayn.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay inay sharaf u ahayd inuu la soo shaqeeyay oo uu aqoon u lahaa Prof.Magoha .
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in wadanka uu ka baxay shakhsi hibo lahaa oo si wayn ugu adeegayay qaranka.
Waxaa uu bayaankiisa ku soo gabagabeeyay inuu murugada la qaybsanaya kenyaanka iyo qaybaha kale ee caalamka ee ay taabatay geerida Prof. Magoha.
I have learnt with great sorrow about the passing of Prof. George Magoha, EGH.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 24, 2023
I join Kenyans and people from other parts of the world in mourning the passing of Prof. Magoha. I also send condolences to his family and pray that Almighty God grants them divine comfort and grace in this moment of grief.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 24, 2023
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa isna ka mid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyadeeyay geerida wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dalka.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi xor ka ahaa dhanka maskaxda oo aan cabsan.
Gachagua ayaa intaasi ku daray in Prof. Magoha uu door wayn ku lahaa adeegsiga culuunta caafimaad iyo cilmi baarista la xiriirta.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa qoraal ku xusay inuu tabi doono Magoha oo uu u riyaaqi jiray daacadnimadiisa iyo anshaxiisa.
I have learnt of the demise of Prof. George Magoha with great shock.
Known for his independence of mind and fearlessness, Prof. Magoha was an accomplished professional who served Kenya with zeal as witnessed when he served as the CS for Education and other posts held earlier. pic.twitter.com/PbfhE4D3Uh
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 24, 2023
I will miss Prof Magoha, a man I personally admired for his forthrightness and ethics.
My thoughts are with the family, friends, and colleagues of Prof Magoha.
May Prof Magoha rest well.
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 24, 2023
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka tacisyadeeyay geerida Prof. Magoha.
Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Prof. George Magoha.
Waxaa uu ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel sameynayay , aqoonyahan dadaal badnaa , ay ka go’anayd u adeegidda dadweynaha sidoo kalena heer sare ka gaaray culuunta caafimaadka.
Raila ayaa xusay in Magoha uu waaxda waxbarashada ee wadanka uga tagay taariikh lama ilaawaan ah.
I am deeply saddened to learn of the passing of Prof. George Magoha, a transformational leader, illustrious scholar, dedicated public servant, and distinguished medical doctor who left an indelible mark on our country's education system. 1/2 pic.twitter.com/y0JuvokMky
— Raila Odinga (@RailaOdinga) January 24, 2023
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale oo isna tacsi diray ayaa sheegay in Magoha lagu xusuusan doono waxyaabo badan oo ay ka mid tahay isbeddello uu ku sameeyay wasaaradda waxbarashada ee dalka.
The life and service of Prof. Magoha is the gift he leaves us as a country.
— Hon. Aden Duale, EGH (@HonAdenDuale) January 24, 2023