Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo u ambabaxay Faransiiska

Madaxweynaha dalka oo u ambabaxay Faransiiska

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xalay u ambabaxay wadanka Faransiiska.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad oo bayaan soo saaray.
Safarka dibadeed ee Ruto ayaa qaadan doono saddex cishe.
Waxaa uu wada hadal la yeelan doonaa dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
Labada mas’uul ayaa diiradda saari doono mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashan karaan dowladahooda.
Sidoo kale Ruto iyo Macron ayaa isla soo hadal qaadi doono amniga iyo nabadgalyada gobolka .
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ka dib u soo gudbi doono magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal.
Waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa shirweynaha loogu magacdaray Dakar 2 Summit ee ku saabsan cunnada Afrika , gobonnimada iyo adkeysiga.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay bangiga horumarinta Afrika waxaa uuna ku soo aadaya xilli qaaradda Afrika ay wajahayso caqabad culus oo dhanka helidda cunnada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments