DHAGEYSO:Raila oo sheegay inaynan Ruto u aqoonsanayn madaxweynaha dalka

0
297

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa shalay isku soo bax ku qabtay fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi.
Raila Odinga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in ka isbeheysi ahaan ay aaminsan yihiin in lagu shubtay natiijada madaxtinnimo ee doorashadii guud ee wadanka ka dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Qoraalka waxaa ku cad in Azimio aynan aqoonsanayn sharcinnimada maamulka talada haya ee Kenya Kwanza .
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aynan William Ruto u aqoonsanayn inuu yahay madaxweynaha sharciga ee Kenya sidoo kalena xubnaha maamulkiisa.
Arrintan ayuu sidoo kale ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa fagaaraha Kamukunji Grounds .