Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya u sheegay inay qaban karaan dibadbaxyo balse aynan tani marnaba hakad gelinayn howlaha dowladda .
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uunan hayn waqti uu ku mashquulo bannaanbaxyada mucaaradka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha Azimio uu salka ku haya isbeddello ay dowladda ka sameynayso waaxyo kala duwan sida qaxwaha, caleenta shaaha iyo caanaha oo meesha looga saaraya dad uu madaxweynaha ku tilmaamay inay khiyaanaan beeralayda si ay uga macaashaan.
Ruto ayaa ku doodaya in dad dhibsaday isbeddelladan ay maalgelinayaan dibadbaxyada qorsheysan ee Azimio.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in qorshaheeda aynan carqaladeyn doonin dibadbaxyada mucaaradka