Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Doon ku qallibmatay Watamu oo la sheegay inay siday rakaab xad dhaaf...

Doon ku qallibmatay Watamu oo la sheegay inay siday rakaab xad dhaaf ah

Dowladda hoose ee ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ayaa sheegtay in doon ku qallibmatay aagga Watamu ay saarnaayeen rakaab tiro ahaan ka badan intii loogu talagalay.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay saddex qof.
Tirada rakaabka ee ay siday doonta gadoontay galinkii dambe ee malinkii Sabtida ayaa lagu sheegay 28.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta oo ilaa iyo hadda lagu soo badbaadiyay 24 ruux.
Dowladda ismaamulka Kilifi ayaa dhanka kale waaxyaha adeegga dadweynaha iyo maareynta musiibooyinka ku amartay inay baaritaano ku sameyaan dhammaan doomaha ka shaqeeya xeebta Kilifi si loo xaqiijiyo inay leeyihiin qalabka looga baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments