Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ayaa sheegay in dhammaan qaybaha kala duwan ee wadanka si siman looga fulin doono mashaariicda horumarineed.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu kenyaanka u adeegi doono iyadoo aan la eegayn qaabkii ay u codeyeen sanadkii hore.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay mashruuca lagu dhisaya guriyo tayo leh oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.