Wakiillada Meru oo diyaar u ah inay la heshiiyaan barasaabka ismaamulkaasi

0
310

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru ayaa hadda sheegaya inay diyaar u yihiin inay wada xaajood la sameeyaan guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Madaxa siyaasiyiinta ugu tirada badan golaha hoose ee Meru u qaabilsan dhanka nidaamka , Jim Muchui ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay u hoggaansamayaan amarkii ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ee ahaa in hoggaamiyaasha dowlad deegaankaasi ay xalliyaan muranka u dhexeya si aan loo carqaladeyn bixinta adeegyada bulshada.
Muchui ayaa intaasi ku daray inay soo saareen guddi ku matali doono miiska wada hadalka.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay inay barasaabka Meru kala xaajoon doonaan la tacaalidda arrimaha ay daneynayaan dadweynaha.
Waxaa uu xusay inay diiradda saarayaan sidii ismaamulka Meru uu u heli lahaa lacagaha ay u qoondeyso dowladda dhexe si loogu qarash geliyo barnaamijyada horumarineed.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu mideeyo golayaasha fulinta iyo xeer dejinta ee Meru.
Hoggaamiyaha wakiillada laga tirada badan yahay ee Meru Mwenda Ithili ayaa dhankiisa sheegay in barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza looga baahan yahay inay beddesho qaabka ay ula dhaqanto madaxda kale.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka oo heshiisiiyay madaxda Kericho uu sheegay inuu sidoo kale dhawaan isku keeni doono hoggaamiyaasha ismaamulka Meru.