DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay inuu isbeddel ku sameynaya ka ganacsiga qaxwaha

0
255

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan isbeddellada lagu sameynaya soo saaridda iyo ka ganacsiga qaxwaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu si buuxda u fulinaya amarkii madaxweyne William Ruto ee ahaa in meesha laga saaro dallaalka u dhexeya beeralayda iyo macaamiisha.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in qaxwada gudaha wadanka looga iibiyo 80 shilin balse marka loo iibgeeyo dibadda uu qiimaheedu yahay 3000 oo shilin.
Gachagua ayaa soo hadal qaaday kulan uu dhawaan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka horumarinta caleenta shaaha ee KTDA.