Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KENHA oo digniin u dirtay wadayaasha baabuurta xamuulka

KENHA oo digniin u dirtay wadayaasha baabuurta xamuulka

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KENHA) ayaa walaac ka muujiyay inay kordheen kiisaska baabuurta xamuulka ee qaadaya tan ka badan intii loogu talagalay.
Maamulkan ayaa soo saaray digniin ah in darawalkii dembigan lagu helo la xiri doono muddo saddex sano ah.
Ku xigeenka maamulaha howlaha shirkadda Danka Africa Kenya Limited, oo loo xilsaaray maareynta buundooyinka Gilgil iyo Suswa ,Jackson Kimuyu ayaa sheegay in wadayaasha sidan sameeya ay inta badan yihiin kuwa xamuulka geeya waddamada Kenya dariska la ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in 90,000 oo ah baabuurta xamuulka qaada oo lagu baaray magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru in 500 oo ka mid ah ay sideen xamuul ka badan inta loo oggol yahay taasoo keentay in darawaliinta la xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments