Irene Karimi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga dhawaan la soo dhisay ee ka talabixin doono maareynta sanduuqa Hustler Fund .
Guddigan ayaa shaqeyn doono muddo saddex sano ah.
Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar Simon Chelugui ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay magacaabidda Irene sidoo kalena Lawrence Kibet Chelimo, Paul Ndore Musyimi iyo Hardlyne Lusui oo guddigan xubno ka noqonaya.
Chelugui ayaa sheegay in guddoomiyaha ay leedahay waayo aragnimo shaqo oo sanado badan ah.
Irene Karimi ayaa la soo shaqeysay hay’adda laga leeyahay Maraykanka ee horumarka caalamiga ee USAID qaybteeda Kenya, hay’adaha Chemonics International, Pricewaterhousecoopers , hannaanka maalgashiga dalka ee (KIM) iyo kuwo kale.
Karimi ayaa in ka badan 30 sano ka shaqeynaysay arrimaha horumarka , maamulka mashaariicda , bixinta tababarrada,maaliyadda , taya dhowrka iyo maalgashiga.
Sanduuqa dhaqaale ee Hustler Fund ayay dowladda dhexe ugu talagashay inay ku taageerto ganacsatada muruqmaalka ah iyagoo la siinaya amaah lacageed oo uu weheliyo dulsaar ah boqolkiiba 8.