Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo diiday inay soo saarto amar lagu joojinayo ansixinta golaha wasiirrada...

Maxkamadda oo diiday inay soo saarto amar lagu joojinayo ansixinta golaha wasiirrada cusub ee Mombasa

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa ayaa diiday codsiga ah in ay soo saarto amar lagu joojinayo ansixinta golaha wasiirrada cusub ee dowlad deegaankaasi ee dhawaan la soo magacaabay.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha bulshada ee ka soo jeeda Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah golaha wasiirrada cusub oo uu maalmo ka hor soo magacaabay barasaabka dowlad deegaankaasi Cabdulswamad Shariif Nassir.
Cabdulswamad Shariif ayaa 16-kii bishan soo magacaabay 10 wasiir oo ka mid noqonayo golaha fulinta ee maamulkaasi, xoghayaha ismaamulkaasi, madaxa fulinta ee guddiga adeegga dadweynaha ee dowlad deegaanakasi iyo la taliyeyaal, si ay gacan uga gaystaan fulinta qorshihiisa horumarineed.
Hasa ahaate afar qof oo ka soo jeeda dowlad deegaankaasi ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ay ku dalbanayaan in aan la ansixin shakhsiyaadka u soo magacaabay barasaaabka ismaamulkaasi.
Garsooraha maxkamadda shaqaalaha ee Mombasa Agnes Nzei ayaa tilmaantay in shakhsiyaadka dacwad soo gudbiyay ay ku guuldaraysteen inay caddeeyaan in barasaabka uu ku xadgudbay dastuurka.
Dacwadda arrinkan ku aaddan ayaa go’aan laga soo saari doona toddobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments