Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi waxaa uu kulan kula yeeshay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray sida waddamada ku yaalla qaaradda Afrika ay uga wada shaqeyn karaan ciribtirka caqabadaha dhanka ganacsiga.
Ruto ayaa qoraal ku sheegay in ka dhabeynta arrintan ay qasab tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda Afrika laga doonayo inay hoggaamiyaan dadaallada kobcinta dhaqaalaha dalalkooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in iyadoo la adeegsanaya ajeendaha 2063-ka in laga dhabeyn doono ganacsiga ka dhexeya waddamada qaaradda.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladaha Kenya iyo Indonesia ay yeelan doonaan iskaashi dhinacyo badan ah sida ganacsiga , macdanta , tamarta , gaashaandhigga iyo amniga.
Ruto ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay wasiirro matalaya Kenya iyo Indonesia oo uu hoggaaminayay iskuduwaha wasaaradda badda iyo arrimaha maalgashiga Luhut Binsar Pandjaitan.
Held talks with the African Union Commission (AUC) Chairperson @AUC_MoussaFaki at the @StateHouseKenya, Nairobi. pic.twitter.com/guLFjkyePi
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 20, 2023