Natiijada imtixaanadkii fasalka 4-aad ee KCSE oo gor dhow la shaacinaya

0
272

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa lagu wadaa inuu daqiiqadaha soo socda uu shaaca ka qaado natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu wasiirka sheegay in la soo gabagabeeyay saxidda imtixaanka KCSE oo saxiddooda la soo billaabay 2-dii bishan.
Waxaa la soo wariyay in uu jiray khalkhal ku aadan saaxitaanka imtixaanka ee hal xarun oo ka mid ah xarumaha waxbarashada dalka, ka dib markii qaar ka mid ah macallimiinta ay hoos u dhigeen qalabkii ay ku shaqeynayeen iyaga oo u sababeeyay xaalad shaqo oo aan wanaagsaneyn iyo mushaar xumo haysato.
Natiijada maanta lagu dhawaaqi doona ayaa ah tani sanadkii hore ee 2022-ka
Sanadka 2022-ka waxaa imtixaanka KCSE u fadhiisatay arday ay tiradoodu tahay 884,263.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here