Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Golaha deegaanka Nairobi oo barasaabka ka dalbaday inuu shacabka caasimadda si wanaagsan...

Golaha deegaanka Nairobi oo barasaabka ka dalbaday inuu shacabka caasimadda si wanaagsan ugu shaqeeyo

Hoggaamiyaha xubnaha laga tirada badan yahay ee golaha wakiillada hoose ee ismaamulka Nairobi Anthony Kiragu ayaa ka codsaday barasaabka caasimadda Johnson Sakaja inuu joojiyo shirarka badan ee golaha islamarkaana uu billaabo wax u qabashada dadka magaalada ku nool ee isaga soo doortay.
Inkastoo uu Kiragu ka tirsan yahay isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza islamarkaana uu xubin ka yahay Sakaja, ayuu lagu dhaleeceeyay shirarka badan ee guddoomiyaha.
Waxaa uu tilmaamay in hadda la gaaray wakhtigii qoolalka kulamada laga bixi lahaa oo dadka loo shaqeyn lahaa.
Wakiilka deegaanka hoose ee Waithaka ayaa hadalkan sheegay iyadoo dhanka kale barasaabka Nairobi uu magaalada Naivasha kulan hordhac ah kula leeyahay golihiisa wasiirrada iyo xubnaha kale ee shaqaalaha ismaamulkiisa .
Waxaa uu tilmaamay in barasaabku wakhtiyadiisa ku dhameeyo shirar haddii magaalada la eegana aysan jirin wax mashaariic ah oo ka socda, shacabkuna ay doonayaan inay arkaan waddooyin, biyo iyo mashaariic kale oo la fulinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments