Madaxweyne Ruto oo loogu baaqay inuu cafiyo 4-ta sarkaal ee IEBC ka tirsan

0
247

Koox goobjoogayaal ah oo ka tirsan guddiga caalamiga ah ee doorashada, PIMAC kuwaasoo kormeerayay doorashooyinkii guud ee Kenya ayaa ku boorriyay madaxweynaha wadanka Dr. William Ruto inuu cafis u fidiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee qaadacay natiijadii doorashada guud xiligii lagu dhawaaqayay.
4-ta xubnood ee ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka (IEBC) ayaa wajahaya dacwad la xiriirta inay kalsoonida shacabka lumiyeen markii ay ka soo horjeesteen natiijadii doorashada ka soo baxday ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati.
Madaxa fulinta ee golah PIMAC International, Pius Masai, ayaa sheegay in sida uu shaaca ka qaaday Chebukati ay afartaas xubnood cadaadis xooggan kala kulmeen xubnaha kale ee guddiga, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in cafis loo fidiyo.
Afarta xubnood ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenkii IEBC Juliana Cherera, Francis Wanderi,Justus Nyang’aya iyo sidoo kale Irene Masit.
Mr. Masai ayaa ku boorriyay madaxweynaha inuu afartaas qof la xiriiro oo uu la hadlo si ay dhinacooda ula qaybsadaan dareenkooda maadaama ay la il daran yihiin waxa uu ku tilmaamay murugo iyo ceeb, dhibaatadaas oo saameyn karta qoysaskooda iyo noloshooda intaba.
Waxa uu xusay in madaxweyne Ruto ay si wayn ugu soo dhaweeyeen gobolka Nyanza, halkaas oo uu ka helay taageerro yar, taasoo muujinaysa in dadka ay u dhaqaaqeen dhanka dimuqraadiyadda ayna aqbaleen inuu madaxweyne ka yahay dalka, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay hoggaamintiisa la shaqeeyaan.
Masai wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu diiradda saaro xoojinta nidaamka doorashada oo uu magacaabo qof leh hufnaan sare, si aan su’aal lahayn, xisbina ka tirsanayn, islamarkaana lagu aamini karo go’aan ka gaaridda masiirka umadeed, isagoo sidoo kale ku taliyay in dowladda ay billowdo baraarujinta xilli hore ee codbixinta si dadka Kenyaanka ah ay u fahmaan muhiimadda ay leedhahay codeynta iyo ilaalinta nabadda dalka.