Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Aqalka sare oo ansixiyay hindise sharciyeedka IEBC

Aqalka sare oo ansixiyay hindise sharciyeedka IEBC

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa iyagoo aan wax isbeddel ah ku sameyn ansixiyay hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka oo uga soo gudbay baarlamaanka.
Waxaa hindisahan codkooda ku taageeray 28 senatar halka toddobo ay ka soo horjeesteen.
Hindisahan oo uu soo saaray hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichug’wah kadibna loo gudbiyay aqalka sare ayaa lagu soo jeediyay in wax laga beddelo xubinnimada guddiga ka shaqeynaya in la buuxiyo jagooyinka ka bannaanaaday guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Soo jeedintan ayaa markii ugu horreysay golaha senate-ka ee dalka laga hor akhriyay bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Isbeddelka la ansixiyay ayaa ah in la yareeyo tirada guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu u soo xusho inay ka mid noqdaan toddobada qof ee qaabilsan in la buuxiyo jagooyinka IEBC.
Xubnaha guddigaasi ku matalaya PSC ayaa hadda ah afar oo laga soo kala xushay xisbiyada siyaasadeed ee matalaadda ku leh baarlamaanka.
Kimani Ichug’wah ayaa u ololeynayay in guddiga isku xirka xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga adeegga dadweynaha in loo oggolaado inay soo xulaan min hal xubin oo matasha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 17-kii bishan uu dhammaaday muddo xileedka saraakiisha sar sare ee IEBC iyo guddoomiyahooda halka Saddex kale ay horay isku casileen ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto si ku meel gaar ah shaqada uga istaajiyay.
Mas’uuliyiinta IEBC ee xafiisyada baneeyay ayaa kala ah Wafula Chebukati, Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Boya Molu oo 6 sano shaqeynayay.
Saddexda is casishay ayaa kala ah Juliana Cherera ,Francis Wanderi iyo Justus Abonyo oo lagu eedeyay inay bishii Sideedaad ee sanadkii hore khalkhal geliyeen ku dhawaaqiddda natiijadii doorashada.
Irene Masit oo iyadana shaqada laga istaajiyay ayaa weli sugeysa go’aanka guddi baaritaano ku sameeyay oo uu magacaabay hoggaamiyaha wadanka.
Marka la soo dhiso guddiga xulashada waxaa uu xayeysiin doonaa shaqooyinka ka bannaan guddiga doorashooyinka ee IEBC si loo howlgeliyo howlwadeeno kale oo uu ugu dambeyn magacaabi doono madaxweyne Ruto.
Kal-fadhiyada caadiga ee aqalka sare ayaa dib u billaaban doono 14-ka bisha labaad ee sanadkan maadaama ay xubnaha weli fasax ku jiraan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments