Kenya iyo Canada oo iska kaashanaya kheyraadka badda

0
326

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Canada ay tahay saaxiibka Kenya ee dhanka dhaqaalaha badda.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay safiirka Canada ku matalo dalka Christopher Thornley.
Ruto ayaa dowladda Canada ku amaanay sida ay Kenya garab uga siiso ka faa’iidaysiga kheyraadka badda .
Waxaa uu hoosta ka xarriqay in tani ay kaalin wayn ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha wadanka ee ku saleysan in meel hoose laga billaabo.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa hadda ku baaqay in waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay ee Canada ay barnaamijkan ka qayb qaataan.
Ruto ayaa xusay in dakhliga wadanka ka soo galo badda la kordhin karo inta u dhexeysa 120 ilaa 180 bilyan oo shilin.
Safiirka Canada u qaabilsan Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda wadankaasi ay sii wadi doonto ka shaqeynta danaha ka dhexeya labada dhinac.
Waxaa uu dhanka kale madaxweynaha uga mahadceliyay kaalinta ay Kenya ka qaadanayso xal u helidda colaadaha ka taagan geeska Afrika.