Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 6 qof oo sameynayay tiimbaraha KRA oo been abuur ah oo lagu...

6 qof oo sameynayay tiimbaraha KRA oo been abuur ah oo lagu xiray Nairobi

Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay 6 eedeysanayaal oo ku howlana sameynta waxyaabo been abuur ah.
Shakhsiyaadkan ayaa ku howlana sameynta tiimbaraha maamulka canshuuraha wadanka ee KRA oo been abuur ah.
Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay howlgallaada socda ee ka dhanka ah waxyaabaha been abuurka ah ee loogu magac daray ‘Operation Uchumi’.
Waxaa eedeysanayaasha magacyadooda lagu kala sheegay Peter Mburu, James Kigera, Frankline M’Mburia, Mary Wanjiku, Titus Ndegwa iyo Jane Muthoni.
Waaxda DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanayaasha sidoo kale lagu helay tiimbaro been abuur ah oo laga sameeyay maamullada canshuuraha ee waddamada Tanzania iyo Uganda.
Mid ka mid ah tuhmanayaasha oo lagu magacaaba Titus Ndegwa ayaa laga soo qabtay hooygiisa oo ku yaalla degmada Thindigua ee ismaamulka Kiambu, iyadoo gurigiisa laga dhex helay hal bastoolad iyo 9 xabo oo rasaas ah.
Eedeysanayaasha ayaa hadda su’aalo lagu weydiinayaa saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaalada Nairobi, ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments