Guddoomiye ku xigeenkii ismaamulka Kericho oo u geeriyootay cudurka Covid-19

0
692

Guddomiye ku xigeenkii ismaamulka Kericho Susan Kikwai ayaa u geeriyootay cudurka sidaha COVID-19.
Waxaa ay ku geeriyootay Isbitaalka Siloam ee dowlad deegaankaasi oo lagu daweynayay muddo labo todobaad ah, sida ay sheegeen qoyskeyda.
Wararka ayaa sheegaya in muddo hal toddobaad ah ay ku jirtay qaybta daryeelka degdegga ah ee loo yaqaano ICU-da.
Xildhibaanka laga soo doortay koonfurta Kuresoi Joseph Tonui ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska haweeneyda.
Waxaa uu sidoo kale uga digay shacabka kenyaanka inay fududeystaan cudurka Covid-19.
Xogtii ugu dambeysay ay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa muujineysa in tirada dhimashada ee cudurka Coronavirus ee gudaha dalk ay haatan marayso 1,982.