Bungoma oo laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee tacaddiga jinsiyadeed

0
297

Waaxda qaran ee qaabilsan tirakoobka ee (KNBS) ayaa ra’yi uruurin ay sameysay waxaa lagu ogaaday in haweenka ugu badan ee loo gaystay tacaddiga jinsiyadeed ee (GBV) inay ku nool yihiin ismamaulka Bungoma ee galbeedka wadanka.
Darasaadkan oo lagu eegay sanadkii hore ayaa muujinaya in xadgudubyada lagula kacay dumarka Bungoma ay isugu jireen jirdil iyo kuwo galmo.
Tirada haweenka Bungoma ee dhibaatooyinkan la kulmay ayay KNBS ku sheegtay boqolkiiba 62 waxaa soo raaca ismaamulka Murang’a oo ah boqolkiiba 53.7 halka Homa Bay tiradan ay tahay boqolkiiba 53.5.
Marka la eego tacaddiga galmo waxaa lagu dhibaateeyay boqolkiiba 30 ee dumarka Bungoma, Murang’a boqolkiiba 24, Homa Bay boqolkiiba 23 iyo Embu oo lagu sheegay boqolkiiba 22%.
Ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ayaa ugu hooseeya tacaddiga ka dhanka ah haweenka waxaana lagu sheegay boqolkiiba 9 in shaqaaqooyin jinsiyadeed loo gaystay haween ay da’dooda u dhexeyso 15 ilaa 49 sano.
Xadgudubyadan ayaa saameeyay haweenka xaasaska ah.
Waaxda KNBS ayaa laga soo xigtay in boqolkiiba 34 ee haweenka kenyaanka ah ay xadgudub la kulmeen tan iyo markii ay da’doodu ahayd 15 sano .
12 bilood ka hor inta aan darasaadkan la sameyn waxaa tacaddi jinsiyadeed loo gaystay boqolkiiba 16 ee dumarka.
Ragga lagu xadgudbay ayay waaxda tirooyinka ee wadanka ku sheegtay boqolkiiba 27.
Boqolkiiba 54 ee haweenka waxaa ku xadgudbay nimankooda ama kuwa ay wada sheekeystaan halka boqolkiiba 34 ay dhibaateeyen rag ay kala tageen.
Ragga waxaa boqolkiiba 28 dhibaateeyay macallimiin, waxaa soo raaca xaasaskooda oo lagu sheegay boqolkiiba 20 ama kuwo ay horay u kala tageen oo lagu sheegay boqolkiiba 19.
Sidoo kale waxaa muddo ku siman 24 sano kala bar hoos u dhacay dhacdooyinka gudniinka fircooniga ee FGM-ka.