Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in la isku dayay in la afduubo Chebukati

Madaxweynaha dalka oo sheegay in la isku dayay in la afduubo Chebukati

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in xilligii doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee sanadkii hore si toos ah la isugu dayay in la afduubo oo la dilo guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati .
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu shalay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay mas’uuliyiinta guddiyada dastuuriga iyo hay’adaha madaxa bannaan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ka warqabo in dad faro ku tiris ah ay doonayeen inay carqaladeeyaan doorashada iyagoo u hanjabay guddoomiyaha IEBC si loo farageliyo natiijada xilka madaxtinnimo.
Xilli uu ka hadlayay qorshaha ka dhanka ahaa guddoomiyaha IEBC ayuu madaxweynaha sheegay inuu ka warqabo inuu jiray iskuday toos ah oo la rabay in lagu afduubo ka dibna la dilo Wafula Chebukati si loo wiiqo awoodda guddiga ama uu hoggaanka u qabto qof saameyn karo rabitaanka shacabka.
Ruto ayaa intaasi ku daray in IEBC ay soo martay xilliyo adag oo sida uu hadalka u dhigay ay jireen hanjabaado dhab ah, abaalmarin heer sare ah iyo cadaadis aan laga daalin.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu helay xog ah in dhammaan saraakiisha sar sare ee guddiga doorashooyinka loo hanjabay sidoo kalena loo ballanqaaday lacago badan haddii ay sameeyaan sida laga doonayay.
Ruto ayaa tilmaamay in saraakiisha IEBC ay si geesinnimo leh u diideen arrimaha loo soo bandhigay.
Madaxweynaha dalka ayaa howlwadeennada uu hoggaamiyo Wafula Chebukati ku bogaadiyay inay ka go’anayd gudashada waajibaad muhiim ah.
Waxaa uu sheegay in guddiga IEBC uu doorashadii la soo dhaafay u maareeyay hal-beegga ugu sarreeya oo uu ka dhigay mid aan la dhici karin.
Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay hay’ado madax bannaan oo feejigan oo sida habboon uga soo bixi karo mas’uuliyadda dastuuriga ee saaran.
Kulanka shalay ayaa looga gol-lahaa in lagu daahfuro qorshaha wada shaqeynta ee golaha fulinta dowladda , guddiyada iyo xafiisyada madaxa bannaan si dastuurka wadanka si buuxda loogu dhaqangeliyo.
Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi, guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo dhigiisa aqalka sare Amason Kingi.
Waxaa uu ugu dambeyn mas’uuliyiinta guddiyada kale ee dastuuriga ah ugu baaqay inay ku daydaan Wafula Chebukati iyo saraakiisha kale ee IEBC oo uu shalay dhammaaday muddo xileedkoodi 6-da sano ahaa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in dowladda dhexe ay si wayn u sugi doonto badqabka Wafula Chebukati oo howlgab noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments