Kenya oo Midowga Yurub kala kaashanaysa qorshaha sugnaanta cuntada ee dalka

0
221

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay iskaashi la sameyso Midowga Yurub si ay u xoojiso wax soo saarka cuntada gudaha ee dalka.
Iskaashigan ayaa looga golleeyahay in lagu xaqiijiyo sugnaantada cuntada ee wadanka.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa kala hadlay safiirka Midowga Yurub ee Kenya Henriette Geiger taageerida beeralayda wadanka.
Safiirka Midowga Yurub ee Kenya ayaa sheegtay in sidoo kale taageerrada la gaarsiin doono beeralayda yar yar ee dalka, si loo horumariyo dakhligooda iyo wax soo saarka cuntada.
Guddiga Midowga Yurub ayaa ballanqaaday inuu taageerayo wax soo saarka beeraha ee dalka, iyagoo Kenya ku garabsiinaya taageerida hindisayaasha dowladda dhexe ee ku saabsan sugnaanta cuntada iyo garabsiinta beeralayda yar yar.
“Hadafkeena ugu weyn waa inaan taageerno qorshayaasha dowladda Kenya ee lagu xaqiijinayo sugnaanta cuntada, waxaan rabnaa inaan dhallinayrada gayno beeraha anagoo ku xoojinayna kor u qaadista awooddooda, si aan u wanaajino wax soo saarka cuntada,” ayay tiri safiirka Midowga Yurub ee Kenya.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa soo dhaweeyay wada shaqeynta cusub ee ay Kenya la yeelaneyso guddiga Midowga Yurub oo uu sheegay in dowladda dhexe ay ka caawin doonto qorshaha soo afjarida cunno yarida.
Mr.Linturi ayaa sheegay in wasaaradda beeraha ay sidoo kale aad u danaynayso in ay la kaashato Midowga Yurub, si ay saamayn ugu yeelato tayada wax soo saarka beeralayda, horumarinta tignoolajiyadda, isku xirka suuqa iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here