Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maamulayaasha dugsiyada hooyga leh oo looga digay inay qarashaadka kordhiyaan

Maamulayaasha dugsiyada hooyga leh oo looga digay inay qarashaadka kordhiyaan

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa maamulayaasha dugsiyada sare ee leh qaybta ay ardayda seexdaan uga digay inay kordhiyaan lacagaha laga qaado ardayda.
Waxaa uu waalidiinta ka codsaday inay soo sheegaan maamulihii sidan sameeya si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Machogu ayaa waalidiinta ugu baaqay in haddii arday dhigto dugsi dowladeed oo sare oo leh qaybta jiifka laga dalbado inuu bixiyo lacag ka badan qiimihii hore inuu waalidka warbixin u gudbiyo xafiiska ugu dhow ee arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu wasiirka sheegay inuunan isbeddel ku imaan lacagaha ay ardaydan bixiyaan oo ah 53,554 oo shilin halka kuwa gobollada iyo ismaamullada ay bixinayaan 40,555.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta machadka horumarinta manaahijta dalka ee KICD uu ku soo bandhigayay dugsiyada ay ku biirayaan ardayda sameeyay imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay in lacag la waydiiyo ardayda sameeyay imtixaankii fasalka 6-aad ee KPSEA ee ku biiraya fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano Junior Secondary haddii aynan dugsiyadaasi lahayn qaybaha jiifka.
Wasiirka ayaa dhanka kale waalidiinta ku boorriyay inaysan ka dib dhicin qarashaadka looga baahan yahay haddii ay ardaydooda dhigtaan dugsiyada leh qaybaha ay ardaydu seexaan ee aan laga hooyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments