Nin lagu magacaabo Victor Odede Bwire ayay maxkamadda dalka ku heshay dembi ah inuu bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii ku kacay hagardaamo ah inuu qarxiyo xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxaa shalay dembigan ku caddeysay maxkamad ku taalla caasimadda dalka.
Bwire iyo eedeysanayaal kale ayaa xilligaasi doonayay inay gaystaan fal argagixiso.
Baaritaano lagu sameeyay taleefoonkiisa ayaa muujiyay inuu macluumaad la xiriira maareynta amniga xarunta KICC uu la wadaagay dad ku sugnaa Soomaaliya.
Saraakiisha dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegay inuu xogtan ku gudbiyay barta Facebook-ga isagoo doonaya in weerar la gaysto.
Waxaa uu eedeysanaha ka soo hormuuqday garsoore Lillian Arika iyadoo uu qorshuhu yahay in xukun lagu rido 8-da bisha labaad ee sanadkan.
A Milimani Court has convicted Victor Bwire, alias Abdulaziz, for conspiring to attack KICC in 2019. Court heard that he was found giving security instructions to a terrorist in conspiracy with accomplices in Somalia who are yet to be arrested. #HakiNaUsawa
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) January 16, 2023
Bwire has been convicted for conspiracy to commit a terrorist act and collection of information for commission of a terrorist act. His conspirators in Somalia are being pursued.
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) January 16, 2023