Chebukati:Inta tabarteena ah waan dadaalnay

0
237

Guddoomiyaha xafiiska banneynaya ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay shaqadii ay u qabteen qaranka maadaama uu aaminsan yahay inay inta tabartooda ah dadaaleen.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shalay soo bandhigayay warbixinta qiimeynta doorashadii wadanka ka dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Waxaa uu Chebukati mar kale sheegay in natiijadii madaxtinnimo ee uu ku guulaystay William Ruto ay ahayd mid ka turjumaysay rabitaanka shacabka.
Maadaama ay maanta xafiiska banneynayaan waxaa uu guul u rajeeyay mas’uuliyiinta hoggaamin doono guddiga doorashooyinka ee dalka.
Mar uu ka hadlayay caqabadaha ay soo mareen ayuu Chebukati ku baaqay in sanad maaliyadeed kasta guddiga doorashooyinka xilliga habboon la siiyo dhaqaalaha uu u baahan yahay ee loo qoondeeyay.
Waxaa uu sidoo kale caqabad ku sheegay cabsi gelin, magacdhow iyo afduubka shaqaalaha guddiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here