Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Natiijada imtixaanadkii fasalka 6-aad ee Grade 6 oo maanta la shaacinaya

Natiijada imtixaanadkii fasalka 6-aad ee Grade 6 oo maanta la shaacinaya

Arday ay tiradoodu gaaraysa 1,253,577 milyan oo sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee Grade 6 ayaa maanta natiijadooda heli doono.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa xusay in dhammaan ardaydan ay ku biiri doonaan fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano Junior Secondary School .
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa laga soo xigtay in la soo gabagabeeyay saxidda imtixaanka Grade 6 ee KPSEA sidaas awgeedna laga billaabo maanta natiijada lagu soo bandhigi doono shabakadda rasmiga ee golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Maadama ay tahay markii ugu horreysay oo la soo saari doono natiijada noocan ah, wasiirka waxbarashada ayaa golaha imtixaannada ee KNEC ku amray inuu kaashado machadka horumarinta manaahijta ee KICD iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC si dugsiyada looga caawiyo inay sida habboon waalidiinta iyo ardayda ugu fasiraan warbixinta natiijada.
Wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in dowladda ay min 15,000 oo shilin ugu talagashay arday kasta oo sameeyay imtixaanka fasalka 6-aad si uu 30-ka bishan ugu biiro dugsiga sare ee JSS.
Dowladda ayaa sanadkan waxbarashada ardaydan ku qarash gelinaysa lacag dhan 9.6 bilyan oo shilin sida laga soo xigtay wasiirka waxbarashada ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments