Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KNCHR oo ismaamulka Kisii ka billaabeysa baaritaanno ku aadan dilal sharci darro...

KNCHR oo ismaamulka Kisii ka billaabeysa baaritaanno ku aadan dilal sharci darro oo halkaasi ka dhaceen

Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa lagu wadaa in uu qabto dhageysiga afkaarta dadweynaha iyo baaritaanno ku aadan dilalka sharci darrada ee ku soo badanaya ismaamulka Kisii.
KNCHR ayaa maanta guda geli doonta sababta keentay dilalkan argagaxa ku abuuray qaranka, islamarkaana ay cambaareeyeen hay’ado kala duwan.
Howshan ayaa muddo 4 cishe ah ka socon doonto ismaamulkaasi, si loo ogaado xaqiiqooyinka ka dambeeya dilalka joogtada ah ee muddooyinkii u dambeeyay laga soo tabinayay dowlad deegaankaasi.
Saraakiil mataleysa KNCHR iyo madaxa fulinta ee guddigan ayaa barasaabka dowlad deegaanka Kisii Simba Arati kala hadli doonaan dilalka sharci darrada ah ee ku soo batay ismaamulkiisa.
Ismaamulka Kisii ayaa si aad looga hadal hayaa dilal fool xun oo midkii ugu dambeeyay ee labo caruur ah oo uu aabahood qoorta ka gooyay kuwaas oo maanta la aasay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments