Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kericho Dr. Patrick Mutai ayaa loo yeeray si uu uga soo hormuuqdo guddiga xisbiga UDA u qaabilsan dhanka habdhaqanka.
Waxaa guddoomiyaha laga doonaya inuu ka jawaabo su’aallo ku saabsan muran u dhexeya wakiillada oo la xiriira xilalka hoggaanka ee golaha ismaamulkaasi.
Dr.Mutai ayaa lagu eedeyay inuusan raacin tilmaamaha xisbiga UDA ee ku saabsan soo dhisidda hoggaanka golaha uu madaxa ka yahay.
Guddiga habdhaqanka ee UDA ayaa warqad u qoray Dr. Mutai waxaana laga dalbaday inuu cadeeyo sababta uu ugu guul-dareystay inuu xubnaha laga soo doortay deegaannada hoose ee Kericho uu ku hoggaamiyo sida ugu wanaagsan ee ay hoggaamiyaal iskaga dhex dooran karaan.
Jimcihii ayay ahayd markii uu qalalaase hareeyay xarunta golaha hoose ee dowlad deegaanka Kericho.
Guddoomiyaha guddiga habdhaqanka ee xisbiga UDA Charles Njenga ayaa sheegaya in rabshaddaasi ay dhaawacday sumcadda maamulka talada wadanka haya.