Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka maaliyadda oo magacaabay xubnaha guddiga KRA

Wasiirka maaliyadda oo magacaabay xubnaha guddiga KRA

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Njuguna Ndung’u ayaa Darshan Shah, Wilkister Simiyu, Fancy Too, Kamau Kamiru iyo Samiir Ibraahim u magacaabay inay xubno ka noqdaan guddiga maareeya maamulka canshuuraha wadanka ee KRA.
Shakhsiyaadkan ayaa beddelay kuwo xilalkan hayay xilligii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxay guddiga KRA ka tirsanaan doonaan muddo saddex sano ah oo ka soo billaabanaysa 13-kii bishan koowaad.
Wasiirka ayaa 12-kii bishan wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in meesha laga saaray xubinnimada Susan Mudhune, Mukesh Shah, Richard Opembe, Leonard Ithau iyo Charles Makori Omanga oo uu magacaabay wasiirkii hore ee maaliyadda Ukur Yatani.
Hasa ahaate waxaan magacaabidoodi laga laaban Sally Mahihu iyo Musa Kathanje.
Tani ayaa imaanaysa wax ku siman labo bilood ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu xilka guddoomiyaha guddiga maamulo KRA u magacaabay Anthony Mwaura.
Mwaura oo horay u soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga UDA ayaa beddelay Francis Muthaura oo uu qorshuhu ahaa in muddo xileedkiisa uu dhammaado bisha Shanaad ee sanadkan.
Dhanka kale wasiirka maaliyadda ee dalka ayaa Sarah Serem oo horay u soo hoggaamisay guddiga mushaaraadka ee SRC ka hor inta aan loo magacaabin safiir u soo xushay guddoomiyaha guddiga maamulo bangiga Postbank.
Waxay xilkan hayn doontaa muddo Saddex sano ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments