Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha oo hoggaamiyaasha ugu baaqay inay shacabka u adeegaan

DHAGEYSO:Madaxweynaha oo hoggaamiyaasha ugu baaqay inay shacabka u adeegaan

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay xoogga saaraan u adeegidda shacabka.
Xilli uu ku sugnaa fagaaraha Green Stadium ee ismaamulka Bomet ayuu hoggaamiyaha wadanka hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii madaxda ay ka soo bixi lahaayeen heshiiska ay la galeen codbixiyeyaasha oo ah inay u fuliyaan mashaariicda horumarineed.
Ruto ayaa tilmaamay in dadweynaha ay xilligii doorashada ka soo baxeen kaalintoodi oo hadda la joogo wakhtigii ay siyaasiyiinta ka dhabeyn lahaayeen fursadda hoggaamineed ee la siiyay.
Waxaa uu sheegay in dalka uu horumar gaari karo haddii madaxda ay mideysan yihiin ayna ka go’an tahay gudashada waajibaadkooda.
Ruto ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyadda aasaasiga ee hoggaamiyaasha la soo doortay ay tahay inay horumariyaan nolosha kenyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments