Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka difaaca oo sheegay in dalka uu nabad yahay

Wasiirka difaaca oo sheegay in dalka uu nabad yahay

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in wadanka uu nabad yahay oo shacabka ay u damaana-qaadayaan badqabkooda.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Wajeer ayuu Ducaale hoosta ka xarriiqay in isaga iyo dhigiisa arrimaha gudaha Prof.Kithure Kindiki ay ka wada shaqeynayaan sidii looga hor tagi lahaa weerarrada.
Waxaa uu xusay in shaqada wasaaradda iyo ciidamada militariga ay tahay in dalka laga badbaadiyo weerarrada uga imaan karo dibadda sidaas awgeedna la xaqiijinaya inuu jiro amni buuxa oo labada dhinacba ah.
Waxaa uu bulshada ka codsaday inay dowladda kala shaqeeyaan nabadgalyada iyagoo soo gudbinaya warbixinnada muhiimka ah si looga hor tago falal dambiyeedyada.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay in si looga guulaysto argagixisada loo baahan yahay in bulshada ay kaalinteeda ka soo baxdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments