Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhakhaatiirta dalka oo dalbanaya in aan meesha laga saarin gunnooyinkooda

Dhakhaatiirta dalka oo dalbanaya in aan meesha laga saarin gunnooyinkooda

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta wadanka ee KMPDU ayaa baaq u diray guddiga musharaadka iyo lacagaha gunnooyinka ah ee la siiyo shaqaalaha ee SRC.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa wacad ku maray in haddii meesha laga saaro gunnooyinka ay howlwadeennadu qaataan ay dhakhaatiirta sameyn doonaan shaqo joojin.
Xoghayaha guud ee ururka KMPDU Dr. Davji Bhimji ayaa dhaliilay xeerar uu soo saaray guddiga SRC oo uu ku tilmaamay kuwo aan waafaqsanayn dastuurka dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiisha caafimaadka ay si wayn uga soo horjeedsan doonaan iskuday kasta oo ku aaddan in laga jaro gunnooyinka maadaama sida uu hadalka u dhigay tani ay qayb ka tahay heshiiska shaqo.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay Naivasha ayuu Dr. Bhimji sheegay in aan marnaba la aqbali karin in guddiga SRC uu soo saaro tilmaamooyin aan laga wada tashan.
Arrintan ayaa imaanaysa labo toddobaad un ka dib markii ururka dhakhaatiirta ee KMPDU , golaha barasaabyada ee CoG iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay ka heshiiyeen shaqo joojin qorsheysnayd.
Guddoomiyaha dhakhaatiirta Dr .Abidan Mwachi ayaa dhankiisa ku andacoonaya haddii SRC ay ku tallaabo qaado isbeddellada cusub uu mushaarka howlwadeennada caafimaadka hoos u dhacaya boqolkiiba 50.
Guddiga SRC ayaa dabayaaqadii bishii hore sheegay in dhaqangelinta tilmaamooyinka cusub ee dhanka gunnooyinka ay suurtagelin doonto in boqolkiiba 6 la yareeyo qarashaadka dowladda uga baxo arrimaha musharaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments