Madaxweynaha dalka oo sheegay in dhammaan qaybaha wadanka laga fulin doono mashaariic

0
237

Hoggaamiyaha wadanka William Ruto ayaa ballanqaaday in maamulkiisa uu qaybaha kala duwan ee dalka si siman uga fulin doono mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda aynan qorshaheeda dhanka horumarka ku saleysan doonin siyaasad.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya carrabka ku adkeeyay inuunan diiradda saari doonin in kheyraadka qaran lagu qaybsado qaab ku dheehan qabyaalad iyo xulafaysi siyaasadeed.
Waxaa uu mar kale sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono madaxda kala duwan isagoo u daneynaya kenyaanka.