Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo mashaariic horumarineed ka fulin doonto Waqooyi Bari

Dowladda oo mashaariic horumarineed ka fulin doonto Waqooyi Bari

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott ayaa sheegay in dowladda ay mashaariic horumarineed ka fulin doonto gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay qorsho ballaaran oo lagu xallinaya caqabadaha haysta shacabka ku nool ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Dowladda oo kaashanaysa Ingiriiska ayaa Waqooyi Bari ka hirgelin doonto mashruuc la qorsheeyay inuu socdo saddex sano.
Ujeeddada laga leeyahay barnaamijkan ayaa ah la tacaalidda amni darrada iyo sidoo kalena in la wanaajiyo daryeelka dadweynaha.
Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in wanaajinta nolosha dhaqan-dhaqaale ee shacabka Waqooyi bari ay kaalin ka qaadan karto xasilinta gobolka.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tusaale u soo qaatay wanaajinta tacliinta gobolka iyo in dhallinyarada loo abuuro fursado dhaqaale.
Gachagua ayaa xusay in Al-Shabaab meelo badan looga adkaaday balse isbeddelka ku yimaado cimillada uu xaaladda gobolka ka dhigay mid cakiran.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in waxyaabaha xal noqon karo ee looga baahan yahay waqooyi bari ay ka mid tahay in laga gudbo ku tiirsanaanta roobka si beeraha wax looga soo saaro.
Gachagua ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaalayso siyaabo lagu tababari karo macallimiin badan oo u dhashay gobolka Waqooyi Bari si loo daboolo dulduleelka soo baxo marka ay deegaannada iskaga tagaan macallimiin ka soo jeedo qaybaha kale ee wadanka halis amni awgeed.
Jane Marriott, safiirka Ingiriiska ku matasho Kenya ayaa dhankeeda dowladda ka codsatay inay ka baaran degto shaqaaleysiinta macallimiin badan oo haween ah si gabdhaha loo dhiirigeliyo loogana badbaadiyo gudniinka fircooniga iyo gurka degdegga ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa hormuud ka ah barnaamij loogu magacdaray (NEKBI) oo mashaariic horumarineed looga hirgelin doono gudaha Waqooyi bari laga billaabo bisha Labaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments