DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in aan hadda ka dib loo digi doonin burcadda

0
187

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saraakiisha ammaanka amar ku siiyay inay sida ku habboon ula tacaalaan burcadda gaysata falal dambiyeedyada iyo dhaca xoolaha ee waqooyiga wadanka.
Xilli uu shalay guddoominayay munaasabad ay ku qallinjabinayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da ayuu hoggaamiyaha wadanka sheegay in kooxaha dhibaateeya shacabka tallaabooyin adag laga qaadi doono iyagoo aan loo sii digin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada shalay qalinjabiyay loo howlgelin doono sida ay dantu keenta si ay u sugaan amniga qaybaha dalka ee ay saameeyeen falalka burcadnimo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha ugu baaqay in si ay daacadnimo ku dheehan tahay oo aan eexasho lahayn ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo xiriir wanaagsan la yeelanaya bulshada ku nool meelaha la geynaya.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in maamulkiisa uu sii wadi doono taageeridda adeegga qaran ee booliiska ee NPS si looga caawiyo dhanka qalabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in maalgelin lagu sameeyo shaqaaleysiinta , tababaridda , qalabeynta casriga ah, wanaajinta xaaladaha shaqo , daryeelka iyo badqabka ciidamada booliiska.
Waxaa uu taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ka dalbaday inuu xaqiijiyo in aan la musuqmaasuqin dhaqaalaha loogu talagalay waaxda ammaanka ee wadanka isagoo xusay in wax isdaba marinta ugu badan ay dhacdo xilliga soo iibsashada agabka.

Xafladda shalay oo ahayd midii 49-aad ee ay ku qalinjabiyaan ciidamo tababar qaadanayay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki,barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja, abaanduulaha booliiska Japhet Koome, ku xigeenadiisa kala ah Edward Mbugua iyo Nuur Gaabow iyo saraakiil sar sare oo dowladeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here