Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa socdaal labo cisho qaadanaya berri uga billaabanaya gobolka Nyanza.
Waxaa la filayaa inuu halkaasi ka daahfuro mashaariic horumarineed.
Socdaalkiisa labada cisho ee uu ku marayo gobolka Nyanza ayuu mashariicyo kala duwan ka daahfuri doona ismaamullada Kisumu, Homa Bay iyo Siaya.
Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, Xuseen Maxamad ayaa sheegay in madaxweynaha dalka uu daahfuri doonaa mashaariic dhowr ah oo la jaanqaadaya ajendaha dhaqaale ee maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu sheegay in hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka uu ismaamulka Homa Bay ka daahfuri doono mashruuc lagu dhisaya guriyo ay dadweynaha qiimo ahaan awoodaan.
Xuseen Maxamad ayaa hoosta ka xarriiqay mashruucan lagu dhisi doono ku dhawaad 5,000 oo guriyo ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in mashruuca guryo lagu dhisayo ay kaalin ka qaadan doonto shaqo abuur loo samaynayo kumanaan dhallinyaro ah iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in shaqooyinka yaryar ee la xiriira dhismaha guriyahan ay qaban doonaan dadka deegaanka si shaqo abuur loogu sameeyo.
Mashruuca lagu dhisayo guriyo qarashkooda la awoodi karo ayaa ka mid ah ajandeyaasha ugu waaweyn ee maamulka Kenya Kwanza.
Statement on President @WilliamsRuto's two-day working tour of the Nyanza region that kicks off tomorrow. The tour will cover Kisumu, Homa Bay and Siaya Counties. pic.twitter.com/oReKUX7vjp
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) January 12, 2023
President @WilliamsRuto will also preside over the commissioning of the Jaramogi Oginga Odinga University of Science and Technology (JOOUST) Blue Economy Research Hub.
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) January 12, 2023